Maqaal: 5Waxyaabood oo ay muujisay is casilaadda Drs: Maryan Qaasin!

1

Xil ka tegidda Drs: Maryan Qaasin Wasiiraddii gargaarka iyo maareynta musiibooyinku waxa uu soo kordhiyey su’aalo iyo wax iska weydiin ku saabsan kartida Wasiirka koowaad ee Xukuumaddu u leeyahay xallinta caqabadaha shaqo ee ka dhexdhasha xukuumadda iyo cadaadiska siyaasadeed ee xukuumadda uga yimaada dibadda, waxa ay xilka ka tagtay iyada oo uu bannaan yahay gaashaandhiggu.

Haddaba iscasilaadda Drs: Maryan Qaasin; ayaa toosh weyn ku ifisay mashaakil xukuumadda dhexdeeda  ka hulaaqaya, kaas oo lagayaabo in maareyntiisu adkaato haddii uu dhaafo heerka uu taagan yahay.

Haddaba 5 waxyaabood ayay muujisay in Drs: Maryan Qaasin; si quus iyo caalwaa ah uga tago wasaaraddii ay maamuleysay.

Hoggaamin xumida Wasiirka koowaad

Ra’iisul wasaare Kheyre waxa uu kamid yahay dhowaan galka siyaasadda, sidaas awgeed waxa ku adag xallinta caqabadaha iyo mashaakilka ka dhasha maamulka, taas beddelkeeda dhammaan wixii caqabad ah waxa uu hoosgeeyaa xafiiskiisa, isaga oo wasaaradihii lahaana u sheega in shaqadaasi ay hoos tegeyso xafiiska Raisalwasaaraha, taasina waxa ay dhalisaa khilaaf  iyo saluug ka dhexdhasha isaga iyo Wasiirada.

Hadalada iyo meesha ay ku socdaan ma hubsado

Fagaarayaasha iyo meelaha uu ka hadlo waxa uu ka sheegaa ereyo isku mid ah oo uu xafiday, kuwaas oo uu u sameeyo naaxnaaxin, isaga oo mararka qaarkood ku hadla ereyo muwaadiniinta sii kala fogeeya iyo kuwo sameeya shaki, sida “Islaxisaabtan dhab ah ayaan sameynayaa” “Soomaaliya qof, Laba iyo Koox u joogsan meyso”, “Muddo intaas ah Qarax ma dhicin” IWM

Qofkii ay is qabtaan ama ka aragti duwan ma cafiyo

Astaantani waxa ay ka muuqataa habdhaqanka Raisalwasaare Kherye; golaha wasiirada ayuu qaar wadaay iyo saaxiib la yahay, halka kuwo kalana uu xumaaday xiriirkoodu, kuwa uu saaxiibka la yahay waa kuwa wax walba oo uu sheego aan waxba ku darin, aragtina lahayn ee u sacabba tuma, kuwo aanay isku ficnayn waa kuwa isku daya in ay aragti ku kordhiyaan ama isku daya in ay shaqadooda u helaa madax bannaani, tusaale Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa Prof: Yaxye Cali Ibraahim ka erisay shaqadii uu ka hayey wasaaradda, iyada oo sidii ay ku timidba loo jeediyey eedo waaweyn, Raisalwasaare Kheyre ayaa u macmalay xilkii uu ka hayey wasaaradda, kadibna waxa uu geeyey xafiiskiisa.

Qiimeynta & Kormeerka Shaqada

Raisalwasaare Kheyre; ma laha halbeeg iyo qorshe xukuumadeed, ee hadba wixii ka horyimaada ayuu qabtaa, taasina waa sababta ay u jiraan mashaakil xal loo heli karo oo ka taagan caasimadda, waxaana lagayabaa in sababaha ugu waa weyn qorshe-howleed la’aanta ee Raisalwasaaruhu tahay xog-hayntiisa oo u badan qurbe joog ku qanacsan gaari aan xabbaddu Karin oo lagu qaado iyo hotel Qurxoon oo ay degaan.

Talo keen ma laha, talo qaadashana uma sameysna

Odayaal leh waaya-aragnimo siyaasadeed iyo xubno kamid ah golayaasha dowladda, ayaa si mutadawacnimo ah ugu geeyey raisalwasaaraha talo iyo wax toosin badan, balse qaarkood wixii ay sheegeen ma tixgelin, halka kuwo kalana ay waayeen waqti ay ku arkaan, sababtuna waa in uusan ba u sameysnayn in uu talo qaato iyo in aan waxa dhacayaa saameyn iyo xanuun ku hayn.

Xaggee ka bilowday Khilaafka Raisalwasaaraha iyo Drs: Maryan Qaasim

Inta la ogyahay Khilaafku waxa uu yimid intii uu shaqeynayey guddiga Abaaraha qaranka; kaas oo shaqadiisu socotay iyada oo qayb ka ah tan wasiiradda, hayeeshee aan talo iyo tusaalaba laga weydiin, markii ay iskudayday in ay u cabato Wasiirka Koowaadna, waxa uu u sheegay in guddiga abaaruhu hoostegayo xafiiskiisa, taas oo u muujisay in Raisalwasaare Kheyre; uusan ula dhaqmin sidii ay fileysay, Khilaafka u dhexeeya Drs: Maryan iyo Raisalwasaare Kheyre; waxa uu soo jiitamay in muddo ah illaa uu soo gaaray bishii Oktobar; kaddib markii ay timid baahida sameynta guddiga gurmadka musiibadii ka dhacday isgoyska Zope, October-14.

Xubno katirsan Guddiga gurmadka musiibadii Isgoyska Zope; ayaa la kulmay Drs: Maryan; iyaga oo u sheegay in ay yihiin guddi shaqo (Work committee), kaas oo ay sababtay baahidiisa dhibkii dhacay ee ay ku dhinteen boqolaal qof, sidaas awgeedna ay la shaqeynayaan wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinku, iyaga oo sameynaya ololaha yabooha dhaqaale ee dadweynaha, sida uu sheegay qof kamid ah guddiga gurmadku Drs: Maryan, aad ayay u soo dhoweysay, waxa ayna  gacansiisay dadaalka caawinta qoysaskii wax ku noqday Weerarkii Zope.

Heerka Khilaafka u dhexeeya  Drs: Maryan iyo Raisalwasaare Kheyre; ayaa mar kale soo muuqday markii ay xubno kamid ah guddiga gurmadku ogaadeen in uusan hagaagsanayn xiriirka u dhexeeya Raisalwasaare Kheyre iyo Drs: Maryan, sidaas awgeedna ay u sheegeen in guddiga iyo wasaaraddu wadashaqeynayaan ayna  islagarteen guddiga iyo Wasiiradduba, sidaas awgeedna ay ka dalbanayaan raisalwasaaraha in uu raalli-geliyo Drs: Maryan; oo qabta cabasho iyo tuhun ah in shaqadeeda la gacan togaaleynayo, balse Kheyre; taladaas ma qaadan, waxa uu si kaftan ah u sheegay raggii u soo jeediyay taladaas in Wasiiraddu qanacsan tahay mar haddii uu la joogo.

Si ay Raisalwasaaraha ugu sheegto dhibka iyo caqabadaha haysta ayay markii ugu dameysay waxa u suuragalay in ay la kulanto, balse kulankaas go’aan xalliya cabashada Wasiiraddu kama soo bixin, iyada oo quus ka taagan hab-dhaqanka siyaasadda iyo maareynta wasaaradda ayay ogaatay in Raisalwasaare Kheyre; iyo wafdi uu hoggaaminayaa gaaray degmada Baraawe; oo ah halka ay ka soo jeeddo, waxba kalama socon, sida  caadada ahna waxa ay ahayd in ay kamid noqoto wafdigaas, taasina waxa dedejisay in ay ka tagto xilka.

Safarkii Baraawe ee RW Kheyre

Warka ay soosaartay ee ah in isgarab yaac iyo yabaq ka jiro howlgudashada xukuumaddu waa sida ay u sheegtay, taasna waxa sabab u ah kartida Raisalwasaaraha  ee shaqo gudashada, habkiisa xallinta khilaafka iyo waaya-aragnimadiisa maareynta siyaasadda ayaa aad uga hooseeya heerka lagu maamulo waddan sida Soomaaliya oo kale ah.

Comments are closed.