Madaxweynaha Puntland oo Kormeer ku tagay Garoonka Diyaaradaha Garoowe

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe, kaas oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah.

Kormeerka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehelinayay danjiraha dalka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian, Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Mudane Axmed Karaasha iyo mas’uuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowwlad Goboleedka Puntland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa dhismihiisa gacanta ku haya shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga, waxaana sidoo kale dhismaha Garoonka diyaaradaha magaalaga Gaalkacyo isna dhisaya shirkadda CCECC taas oo laga leeyahay waddanka China, isla markaana waxa ay shirkadda CCECC  dhawaan bilaabi doontaa dhismaha waddada Garoowe – Eyl iyadoo hore u dhistaytay dhismaha garoonta diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Shirkadda CCECC ayaa sidoo kale dalka ka wadda mashruuc horumarineed oo kale kuwaas oo wax tar u leh mustaqbalka shacabka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Danjiraha dalka China ee Soomaliya iyo mas’uuliyiinta kale ee wehelinayseyba ayaa waxa ay kormeer kadib wakhti ku qaateen Hotel Garand ee Magaalada Garoowe.

Madaxweyne Gaas ayaa uga mahadceliyay Dowlada Turkiga Taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya isaga oo Dowlada Turkiga ku Tilmaamay Saaxiibka Koowaad ee Soomaaliya,