Shariif Xasan oo Qiray in Maamulkiisu uu ka gaabiyay sugida Amniga

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in wax badan ay u qabsoomi waayeen Maamulkaasi oo haatan 3 Sano jir saday.

Waxa uu qiray in laga gaabiyay sugida ammaanka deegaanada Koonfur Galbeed oo ay ka dhacan falal liddi ku ah ammaanka, iyadoona weli deegaano ka tirsan Maamulkaasi ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al Shabaab.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in shacabka ay la shaqeeyaan Laamaha Ammaanka, si looga hortago dhibaatooyinka amni ee ka dhaa deegaanada Maamulkaasi.

Hadalkan ayuu ka jeediyay, xilli Xalay uu ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay 3 Sanad guuradii ka soo wareegetay markii la Aas Aasay Maamulkaasi, taas oo ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.