Guddiga Doorashada Somaliland iyo Xisbiga Wadani oo Wada-hadal u biloowday

0

Iyadoo Xisbiga Wadani uu ku dhawaaqay inuu joojiyay Wada-shaqeyntii uu la lahaa Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo ay ku Eedeeyeen inuu ka Jawaabi waayay Codsi Xisbiga Mucaaradka Wadani uu u diray Guddiga Doorashada oo la Xiriiray Walaac ay ka muujiyeen in Xisbiga Kulmiye uu ku Shubtay Doorashada islamarkaana Warqadaaha Doorashada lagu daray kuwo aan Sax aheyn ayaa waxaa kulan ka yeeshay Arrintaas Guddiga Doorashooyinka Somaliland iyo Xisbiga Wadani.

Musharaxa Madaxweyne ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadani C/raxmaan Cirro oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Kulankii ugu horeeyay ay yeesheen Xisbiga Wadani iyo Guddiga Doorshada si ay uga wada hadlaan Cabashada ka timid Xisbiga wadani,waxaana uu Mudane Cirro sheegay in Kulan labaad ay yeelan doonaan Labada Dhinac.

Taageero yaasha Xisbiga Wadani ayuu ugu baaqay in ay Isdejiyaan oo ay ka war sugaan Wada-hadalka hadda u biloowday Xisbiga iyo Guddiga Doorshada Somaliland.