Doon Sidday Tahriibeyaal fara-badan oo lagu la’yahay Biyaha u dhexeeya Liibiya iyo Talyaaniga

0

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Dalka Talyaaniga oo soo xiganeysa Saraakiisha Ciidamada Badda ee Talyaaniga waxaa lagu la’yahay Biyaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya Doon sidday 100 Ruux oo Tahriibeyaal ah oo ka baxday Xeebaha wadanka Liibiya.

Sargaal ka tirsan Ciidamada badda Talyaaniga ayaa sheegay in illaa hadda la helay Meydadka 30 Qof oo Haween u badan islamarkaana u dhashay Wadanka Nigeria oo kamid ahaa Dadkii la socday Doonta la’la yahay.

Doontaan oo ka baxday Xeebaha Liibiya ayaa la aaminsan yahay in Tahriibeyaasha ay sidday ay ku jiraan Soomaali,waxaana weli Baadi Goob ku haya Ciidamada Ilaalada Badda Talyaaniga iyo kuwo kale oo Caawinaya.