DAAWO SAWIRRO:- Kulanka Xildhibaanada oo furmay & Ajandaha oo ah arinta Qalbi Dhagax

0

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa goor dhaweyd ka furmay kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Ajandaha kulanka ayaa ah dhageysiga Warbixinta la xiriirta Guddiga gaarka ah ee loo xil saaray baaritaanka Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, kaasi oo dowladda Somaliya ay ku wareejisay dalka Itoobiya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Shir Gudoominaya kulanka Golaha Shacabka ee hadda ka furmay Muqdisho.

Kulanka ayaa wuxuu si rasmi ah ugu furmay Xildhibaano gaaraya 156 Xildhibaan, kuwaasi oo si toos ah u soo xaadiray.

Guddigii loo xil saaray arinta C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayaa la filayaa inay guda galaan jeedinta warbixintooda la xiriirta baaritaankii ay sameeyeen iyo natiijadii uga soo baxday.

Waxaa si wayn isha loogu warbixinta ay soo jeedinayaan Guddiga, taasi oo si wayn ay u sugayaan shacabka Somaliyed.

Dowladda Somaliya ayaa muwaadinka C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, waxa ay ku wareejisay dowladda Itoobiya.