aramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo qiimeeyay xaaladda ammaanka Soomaaliya.

0

Madaxda Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika ayaa qiimeyn ku sameeyay xaaladaha amniga ee qeybo ka mid ah Gobollada Dalka, gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Waxaana ay safar dhawaan ku tageen Magaalada Xeebeedka Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose Wakiillada Qaramada iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa kormareeray deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francesco Madeira ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay door weyn ka qaateen sugida amniga deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Mr Madeira ayaa intaasi ku daray in u jeedka safarkoodu uu la xiriiray sidii ay suura gal u noqon la hayd in ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo hanashada amniga Dalka, maadaama ciidamada AMISOM lagu wado in dhamaadka Sanadkan ay bilaabayaan ka bixitaankooda Soomaaliya.

Wakiilka ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada ay guulo ka gaareen dagaalka Xarakada Als Shabaab, iyagoo garab ka helaya ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa wada qorshe la doonayo in ciidamada AMISOM looga saaro Dalka oo ay ka howlgalayeen muddo 10 Sano ah, iyadoo haatan ay socdaan dadaallo la doonayo in amniga Dalka lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.