Al Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Magaalada Lamu ee Dalka Kenya

0

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Saldhig ciidamada Dowladda Kenya ay ku leeyihiin Magaalo Xeebeedka Lamu ee Dalkaasi Kenya

Saldhiga Booliska Mararaani ee Magaalada Lamu ayaa Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen, iyadoona dagaal khasaaro geystey uu ka dhacy halkaasi.

Xarakada Al Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay sheegtay in ay ku dileen 4 Askari oo ka mid ahaa ciidamada Boolika ee Dalka Kenya.

Dhinaca kale saraakiisha Booliska Kenya oo hadlay waxa ay sheegeen in uu jiro weerarkan, balse ma aysan sheegin tirada Askarta looga dilay weerarkaasi.

Waxaana Sraakiisha Boolisku ay shaaciyeen in ay wax ka badalayaan ammaanka Magaala Xeebeedka Lamu oo muddooyinkii dambe ay weeraro ka dhacayeen.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ka geystay gudaha Kenya, gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari iyo kan Xeebta ee Dalkaasi.