Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe oo Ka hadlay Xuquuqda Aadanaha Dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Dowlado Soomaaliya ay ku jirto ugu baaqay in ay xusuustaan ​​waajibaadkooda xuquuqda Aadanaha marka ay ka hortagayaan waxa loogu yeero Arga gixisada.

Waxa uu sheegay in si gaar ah ugu digay dadka kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay sida uu hadalka udhigay.

“Argagixisada casriga ahi waxay noqotey Mid halisteeda leh, waxana wadaan Howlo ka dhan ah Nabad Galyada iyo Xasiloonida Caalamka, waxayna isticmaalaan aragtiyo iyo Siyaasad si ay u suurad xumeeyaan Nidaamka jira” ayuu yiri.

“Siyaasadaha argagixisada ayaa loo isticmaali karo ayaa ah qorshe socdo, si loo xakameeyo dhibaatooyinka ay geysanayaan, si lagu difaaco Xuquuqda aadanaha, si aysan u adeegsan dadka kasoo jeeda Beelaha laga tiro badan yahay ee aanan hubeysneen” ayuu yiri Gutteres.

Xoghayaha Guud ayaa sheegay in horumarinta caalamiga ah iyo maalgashiga barashada iyo barnaamijyada bulshada ay gacan ka geysan karto la dagaalanka qaar ka mid ah hanjabaadaha badan.

Qaramada Midoobay ayaa qiyaaseysa in ugu yaraan 11,000 oo weerarro argagixiso ah ay ku qaadeen in ka badan 100 dal sannadkii hore, iyada oo in ka badan 25,000 oo qof ay dhinteen.

Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay waxay geysteen weeraradii ugu qasaaraha badnaa, waxayna sheegeen in shal dal ay ugu badan yihiin qasaaraha boqolka dalka kuwaa oo kala ah: Iraq, Afghanistan, Syria, Nigeria iyo Somalia.

Qaramada Midoobe ayaa dhowr jeer soo saartay warbixino digniino ah oo ay u jeedineyso dalala ay Soomaaliya ku jirto, waxa ayna ugu digeen in dagaalada ka dhanka Kooxaha dowladda kasoo horjeedo in ay waxyeelo gaarsiiso Dadka Shacabka.

Waxayna taa badalkeed ugu baaqeen in iyadoo dagaalka la wadayo in la dajiyo qorshooyin looga hortagayo Xadgudubyada Aadanaha sida ay sheegtay.

Duqeymaha Diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Soomaaliya ayaa la sheegayaa in waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ah, Walloow Dowladda federaalka iyo Taliska Mareykanke ee Qaaradda Afrika ay sheegeen in ay ku dileen Al-Shabaab xubno katirsan.