WARBIXIN +SAWIRRO : Mugabe oo fagaaro kasoo muuqday ‘isaga oo mayal adag’

0

Madaxweynaha wali xilka ka raaraca ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday meel fagaaro ah tan iyo intii maalmo ka hor ay ciidanka la wareegeen awoodda dalkaas.

Mugabe ayaa ka qeybgalay xaflad qalinjabin ah oo lagu qabanayay jaamacadda Zimbabwe oo uu ka midyahay madaxda jaamacadda, wuxuuna halkaas ka jeediyay khudbad dheer.

Sacad badan ayaa u dhacay Mugabe markii uu soo muuqday, balse lama aysan socon xaaskiisa Grace iyo waliba wasiirkii waxbarashada Jonathan Moyo oo Grace isbahaysi la leh.

Madaxda ciidanka ayaa sheegay in ay waxoogaa horumar ah ka sameeyeen wadahadala ay la leeyihiin Mugabe oo xabsi guri ku jiray.

Mugabe ayaa shahaado guddoonsiiyay Marry Chiwenge oo ah xaaska taliyaha ciidammada ee isaga awoodda kala wareegay, sida ay tabisay warbaahinta dowladda.

Askarta ayaa talaabo qaaday kadib markii Mugabe uu shaqadii ka eryay madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa, kaas oo loo arkay in uu yahay ninka ay suurtogalka tahay in uu badali doono Mugabe. Balse Mugabe ayaa xaaskiisa u waday in ay isaga badasho.

Grace Mugabe oo loo malaynayay in ay dalka ka baxday ayaa waxaa la ogaaday in ay wali guriga la joogto Mugabe.
Wadahadalada Mugabe lala leeyahay ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiiro dalka Koonfur Afrika ka yimid oo dhexdhexaadin ka wada Zimbabwe.

Sida uu ku waramayo Joseph Winter oo ka mid ah tifaftirayaasha BBC-da ee Afrika, inkasta oo militariga ay majaraha u hayaan Zimbabwe, haddane wali waxa ay Mugabe ugu yeeraan “Madaxweynaha sharafta leh”.

Waxa uu intaas ku daray in sababta loogu ogolaaday in uu xafladda jaamacadda uga qeybgalo ay tahay in ay run u ekeeysiiyaan sheegashadooda ah in ay waxa dhacay uusan ahayn afgambi.

Dhaqanka Zimbabwe dadka da’da ah lama ogola in wax xushmad darro ah lagula dhaqmo, manaba kusii jiro Mugabe oo xitaa madaxda mucaaradka ay ugu yeeraan “aabaha qaranka”.

Madaxda ciidanka iyo Mugabe waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u qoto dheer, waxayna u hayaan xushmad aad u tiro badan, mana sahlana in kalsoonidaas ay si sahlan ku burburto. Ciidammadda ayaa waxa ay waligood ahaayeen garabka hubeysan ee xisbiga ZANU-PF.