WARBIXIN : Qaar Ka Mid Ah Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Ku Wajahan Imaaraadka Carabta

1

Dowladda Imaaraadka oo ka mid ah dowladdaha Carbeed ayaa waqtigaan waxa ay saameyn weyn ku leedahay Siyaasada dalka Soomaaliya waxa ayna xiriir la leedahay inta badan Madaxda Dowlad goboleedyad dalka ka jira.

Xog ay heshay Saxaafadda ayaa waxa ay sheegeysa in todobaadka soo socda ay Imaaraadka aadi doonaan qaar ka mid ah madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ka jira waxaana ka mid ah Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Weli macadam qorshaha ay u tegayan Imaaraadka balse waxaa la ogaa in ay horay u tageen qaarkood dhaqaalana ay ku siiyay in ay xiriirka u jaraan Dowladda Qatar.

Sidoo kale Dowladda Imaaraadka ayaa la sheegaa in ay siweyn uga soo horkeedo Siyaasada Dowladda Soomaaliya kaidb markii Madaxda dowladda ay dhex dhexaad ka noqdeen khilaafka Wadamada Khaliijka.

Comments are closed.