Mareykanka oo kordhiyay duqeymaha uu ka wado Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada duqeymaha ah ee ay ka fuliyaan Soomaaliya, kuwaasoo ay la bartilmaameedsadaan deegaanada ay ku sugan yihiin Xarakada Al Shabaab iyo Daacish.

Diyaaradaha droneska ee Dalka Mareykanka ayaa illaa iyo bilowgii Sanadkan Soomaaliya ka fuliyay 28 duqeyn oo lagu qaaday qeybo ka mid ah Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan howlgalka Mareykanka ee AFRICOM.

Machadka ku yaalla Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Mareykanka uu dardar geliyay Sanadkan duqeymaha Soomaaliya, iyadoo Sanadkii 2016 uu Soomaaliya ka geystay illaa iyo 15 duqeyn oo dhinaca cirka ahaa.

Duqeymahaasi diyaaradeed uu Machadka sheegay in lagu dilay dagaalyahanno ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Colonel rob oo ah Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in weerar duqeyn ah oo todDobaadkii hore ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen 40 dagaalyahan oo ka tirsanaa Uururka Daacish.

Madaxweynaha Mareykanka Donald trump ayaa hore u sheegay in ay kordhin doonaan duqeymaha diyaaradeed ee cirka ee ay la beegsadaan dagaalyahannada Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.