Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Gaaray Baydhabo iyo Madax Kale oo Ku wajahan.

0

Wararka Ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa sheegayaa in Goordhaw uu Magaaladaas gaary wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, si ay kaga qeyb galaan Sanad guurada 3-aad ee kasoo wareegtay Markii Madaxweyne Shariif Xasan loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Berri ku Beegan.

Wafdi Madaxweyne Waare waxaa soo dhaweeyey Madaxda Maamulka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiinta Gobolka iyo kan degmada Baydhabo.

Magaaladaas waxaa ku wajahan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada si ay kaga qeyb galaan Xafladaasi sanad Guurada ah.

Amaanka Guud ee Magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in sara loo qaaday, waxaana Wadooyinka Qaar la sheegayaa in loo xiray Madaxda Magaaladaasi gaareysa.

18-Kii November sanadkii 2014-kii ayee aheyd Markii uu Madaxweyne Shariif Xasan uu ku guuleystay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, Waxaana Xiligaasi Magaalada Baydhabo ku sugnaa Maamul kale oo magaca la wadaagaye Koofur Galbeed balse gobol ahaan ka badnaa.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa kala diray Maamulkaasi, kadib markii Qaarkood uu xilal u magacaabay, Halka kuwo kale ay Xilal ka heleen Maamulka Jubband, taasine waxa ay meesha ka saartay Maamulkii Koofur Galbeed ee Lexda Gobol ahaa.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa saddexdii sano uu Xilka haye wajahay Mooshino ka dhan ah, inkatoo ay noqdeen kuwo Dhicisoobay, waxaana wali jira Xildhibaano sheegaya in ay Mooshin ka wadaan Shariif Xasan, isla markaana ay Gudoonka u gudbinayaan.

Mudda uu jiro Maamulka Koofur Galbeed kuma shaqeyn Caasimadda Maamulkaasi ee Baraawe oo ay Gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda, kuwa Koofur Galbeed iyo AMISOM, waxa uuna ka door biday ku shaqeynta Caasimadda KMG ah ee Baydhabo.

La soco wixii kasoo kordha Hadii alle Idmo.