Kooxo hubeysan oo dhac xoogan ka geystay Degmada Afgooye

1

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay Rag hubeysan ay dhac xoogan ka geysteen deegaanka Cadow Dibile oo dhaca duleedka Degmada Afgooye ee Gobolkaasi.

Kooxdan hubeysan ayaa la sheegay in rasaas ay ku fureen dad shacab ahaa oo ku sugnaa deegaankaasi, islamarkaana ay ku dileen halkaasi 1 Qof mid kalena ay ku dhaawaceen, kuwaasi oo ka mid aha dadka deegaanka.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Raggani ay boob xoogan u geysteen goobo Ganacsi oo ku yaalla deegaanka Cadow Dibile, islamarkaana arrintani ay ku beertay wal wal xoogan.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye oo ku aadan arrintani.

Balse inta badan deegaanada Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka dhaca dhibaatooyin ay dadka shacabka ah kala kulmaan Maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan Gobolkaasi.

Comments are closed.