Xukuumadda Soomaaliya oo qabaneyso Shir weyne looga tashanayo dagaalka Al Shabaab

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheneysa shir weyne Qaran oo ay isugu keeneyso Culimada Soomaaliyeed, si ay ugala tashato dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa diyaarineyso shirkani oo ay Xukuumaddu ku dooneyso in Culimada Soomaaliyeed ay kala kaashato dagaalka Al Shabaab ee uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yarisow” oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkani la qaban doono Bisha soo socoto, islamarkaana looga arrinsanayo sugida amniga iyo dagaalka cusub ee lala galayo Xarakada Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada Abaabul ka dhan ah Al Shabaab oo weli ku xoogan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya