DHAGEYSO : Wasaaradda Amniga Oo U Digtay Dad Abuuraya Qalqal Amni

0

Kulankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee Khamiislaah ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ku shaaciyay Wasiir Ducaale in dowladda Soomaaliya ay dardar gelin doono sugida amniga dalka.

Waxa uu soo hadal qaaday warar uu sheegay in ay yihiin kuwo been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo amniga dalka in ay jiraan dad faafinaya.

Waxa uu digniin u diray Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale dadka faafinaya been abuurka abuurayana qalqalka amni sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ka Warbixiyay qodobadii uu ka hadlay Wasiir Ducaalle.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir Cabdiraxmaan Yariisow.