DHAGEYSO : Madaxweynaha Hirshabelle oo xalay la kulmay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle.

0

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay kulan wadatashi ah oo ku saabsan soo magacaabista Golaha Wasiirada la qaatay xubnaha xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo la hadlay Risaala ayaa sheegay talaabadan in ay qeyb ka tahay balanqaad uu horey u sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, xilligii Ololaha Doorashada, taasi oo aheyd in xukuumadda cusub uu ku soo dari doono xildhibaanadii codkooda siiyay.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay isku khilaafeen shax uu soo bandhigay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo khuseysa magacaabista Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha mamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maalmaha soo socda waxaa looga fadhiyaa inuu soo magacaabo Golaha Wasiirada cusub, kuwaasi oo la hadalhayo in ay ka koobnaan doonaan 34 Wasiir.