Ciidanka Puntland oo dhaqdhaqaaq ka wada Buuraha Gobolka Bari.

0

Ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah Shabaab iyo Daacish ka wada Buuraha Gobolka Bari, iyadoona uu hadafku yahay in laga saaro goobaha ay kaga sugan yihiin.

Buuraha ku yaala Bariga & Galbeedka Boosaaso, ayaa waxaa saldhigyo ciidan ku kala leh Al Shabaab iyo Daacish, waxa ayna xilliyada qaarkood ka soo qaadaan weeraro ka dhan ah Ciidanka Puntland.

Ciidanka Daraawiishta, ayaa maalmo ka hor ku dhaqaaqay saldhigyada Daacish iyo Shabaab, iyagoo si feejignaan ay ku dheehan tahay ugu sii siqaaya saldhigyada kooxahaasi.

Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Puntland oo shalay ka qabsoomay Magaalada Garoowe, ayaa lagu booriyay hawlgalada ay Ciidanka Daraawiishta ka wadaan Buuraha Gobolka Bari.

C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland oo shir guddoominayay shirkaasi, ayaa waxa uu ku baaqay in Ciidanka Daraawiishtu ballaariyan gulufkooda ka dhanka ah Shabaab iyo Daacish.

Madaxweyne Gaas, ayaa marar badan ku celceliyay in Puntland ay ka go’an tahay inay deegaanadeeda ka sifeyso Daacish iyo Shabaab, maadaama ay ka wada siman yihiin dhibaateynta shacabka Somaliyeed.