Boqorka Sacudiga Boqor Salman oo toddobaadka soo socda xilka ku wareejinaya Amiir Maxamed

0

Boqorka wadanka Boqortoyada Sacudi Carabiya Boqor Salman ayaa qorsheynaya in uu talada dalkiisa ku wareejiyo Amiir Maxamed Bin Salman sida lagu daabacay DailyMail oo soo xigatay dad ku dhow dhow qoyska reer Boqor.

Arrintan ayaa u muuqata in ay tahay talaabadii ugu dambeysay ee awooda gacanta loogu gelinayo Amiin Maxamed oo 32 jir ah waxaana Amiirkan uu horaantii bishan xirey illaa afartan Amiir iyo Wasiiro isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in Boqor Salman uu ahaan doono boqor la qadariyo oo maamula oo kaliya Labada Xaram ee Barakaysan iyadoo guud ahaan talada Boqortoyada gacanta loo gelinayo Amiir Maxamed oo lagu naaneyso MBS.

‘Haddii aysan wax kale oo aan la fileyn dhicin Boqor Salman waxa uu ku dhowaaqi doonaa in MBS yahay Boqorka Sacudi Carabiya toddobaadka soo socda,’ayaa laga soo xigtey qofkan ku dhow qoyska reer Boqor.

Isha warkan laga soo xigtey ayaa intaa ku daray in Boqor cusub uu awoodiisa u weecin doono wadanka Iran oo muddo dheer aysan isku wanaagsanayn dalka Sacudi Carabiya waxaana la filan karaa in talaabo milatari uu qaado boqorkan dhalinyarada ah.

Sidoo kale Boqorka mustaqbalka Sacudi Carabiya ayaa weerar ku ah ururka Xisbullah oo ay taageerto dowlada Iran waxaana laga yaabaa inuu kaalmo weydiisto Israel si loo burburiyo Xisbullah oo ah urur shiico ah.

‘MBS’ qorshihiisa koowaad waxa uu kabilaabayaa dagaal wadaka Lubnaan balse ma geli karo dagaal isagoo aan kaalmo ka helin Israel.waxana uu u ballanqaaday Israel balaayiin dollar inuu siin doono haddii ay oggolaato inay dagaalka qeyb ka noqoto,’ Qofka laga soo xigtey warkan ayaa sii faahfaahiyay qorshaha labaad ee Amiir MBS,

‘MBS kuma wajihi karo Xisbullah Lubnaan isagoo aan kaalmo ka helin Israel, Qorshaha labaadna waa in Xisbullah lagula dagaalamo gudaha dalka Siiriya,’

Warkan ay daabacday DailyMail ayaa ah mid dad badan ay la yaabeen hase ahaatee ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Boqortoyada Sacudi Carabiya oo ay ku beeninayaan warkan xasaasiga ah.

Xigasho;DailyMail