WAR CUSUB: Xusuus qorkii Bin Laden oo laga helay sababtii uu u weeraray Mareykanka

0

Hay’adda dembi baarista ee Mareykanka CIA (Central Intelligence Agency)   ayaa soo bandhigtay qeyb kale oo ka mid ah sirtii laga helay Gurigii Usama Bin laden ee Sanadkii 2011kii ay weerareen Ciidanka gaarka ah ee Mareykanka.

Buugga Xusuus qorka Bin laden ayaa nuqullada ku qornaa waxaa ka mid ahaa sababta ku dhalisay Bin Laden in uu weeraro Mareykanka Sanadkii 2001dii.

Waxaana C.I.A-da ay ku sheegeen in ay sababtu ahayd iyada oo AL-Qaacidda iyo hoggaamiyahooda Usamaba aysan u arkin Waddamada Carabta Ragga Madaxweynayaasha ka ah in ay yihiin kaligood taliyeyaal loo baahan yahay in xilka laga tuuro.

Si loogu sameeyo xil ka qaadista hoggaamiyayaasha Waddamada Carabta marka hore la dumiyo Dowladda Mareykanka maaddaama ay Dowladda Mareykanku tahay midda ilaalisa Hoggaamiyayaasha Carbeed sidoo kalena maal gelisa.

Al-Qaacidda waxaa ay rumeysneyd in hoggaamiyayaasha Carabta ay dhici doonaan marka Mareykanka uu weerarkaas ka dhaco kaddibna Al-Qaacidda mid mid u riddo Madaxweynayaasha Waddamada Carabta.

Siraha la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa qorshaha Al-Qaacidda ee Sucuudiga,Liibiya,Masar,Tunisia iyo Jordan,waxaana ay kala ahaayeen sidan.

Marka hore in Dowladda Mucaamir Qadaafi ee Liibiya lala heshiiyo laguna gacansiiyo Gugii Carabta,si uu u oggolaado in Mujaahiddiinta gabaad ka helaan Liibiya,halkaaas oo ay ka weerari karaan Dalalka Masar iyo Tunisia.

Waxaa kale oo qorshaha ku jiray in ka hor inta aysan Al-qaacidda qabsan Dalka Sucuudiga marka hore la rido dowladda Jordan oo loo arkayay in ay muhiim tahay ridideeda si loo rido kaddib boqortooyada Sucuudiga.

Xusuus qorka Bin Laden ee CIA-du soo bandhigtay ayaa lagu xusay in Usama uusan ahayn Nin diinta aad u yaqaanna,sidoo lakalena ahayn aqoonyahan Islaami ah laakiin waxaa uu ahaa Ganacsade dhaqaale badan heystay,kaas oo markii uu ku jiray Dugsiga sare go’aansaday in uu jihaadka galo,kana guuleysto gaalada.

Dhinaca Dalka Yemen,Al-Qaacidda waxaa u qorsheyneyd in Cali Cabdalla Saalax la qaarijiyo dalka Yemenna laga hirgeliyo dowlad Islaami ah.