TOP NEWS:-Senator Cabdi Qeybdiid oo si kulul uga hadlay arrimaha Dastuurka

2

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” ayaa ka hadlay dhameestirka Dastuurka qabya qoraalka ah iyo faa’iidooyinka waqtigani uu u leeyahay Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Qeybdiid yaa xusay in Dastuurka oo la dhameestiro ay dani ugu jirto Qof walbo oo Soomaali ah, isaga oo tilmaamay in meesha uu ka saari doono khilaaf walbo oo soo kala dhexgala Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

Waxaana uu carabka ku dhuftay, haddii la dhameestiro Dastuurka Dalka ay wax badan oo caqabado ah ka gudbi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shalay ayey ahayd markii ay heshiis wada gaareen Guddiyada Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Xukumadda Soomaaliya oo muddooyinkii dambe khilaaf uu soo kala dhexgalay, kaas oo ku aadanaa wax ka badalka qoddobo ka mid ah Dastuurka

Comments are closed.