TOP NEWS:- R/wasaare Kheyre oo ku Wajahan Magaalada Baraawe

0

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa Maanta la filayaa in ay tagaan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa markii ay tagaan degmada Baraawe wax ay kormeer ku sameyn doonaan Xarumaha maamulka degmada iyo Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ee halkaasi laga dhisay.

Wararka aan hadda ka heleyno degmada Baraawe ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socdo diyaar garoowgii u dambeeyay ee ku adan sidii loo soo dhaweyn lahaa Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ujeedada booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Baraawe ayaa lagu sheegay sidii uu ula socon lahaa xaalada amni iyo mid nololeed ee ka jirta degmadas,isaga oo sidoo kale la kulmi doono Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Ammaanka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta aad loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa Ciidamo farababadan oo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM.