TOP DHAGEYSO:- Isbedel lagu sameynayo qorshaha sugidda amniga

0

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in isbedel balaaran lagu sameynayo qorshaha ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, kadib markii maalmahan ay kordheen weerarada iyo Qaraxyada ururka Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay Guddi heer Wasiiro ah in loo xilsaaray in ay talo ka soo jeediyaan sidii loo dar dar gelin lahaa sugidda amniga.

Wuxuu sheegay Wasiirka qorshaha amniga lagu sugayo in ay ka mid yihiin in degaan degaan amniga magaalada loo sugo, in la hubiyo Gaadiidka loona sameeyo taargooyin gaar ah.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda abaaul iyo diyaar garow ku aadan sidii dagaal guud loogu qaadi lahaa ururka Al-shabaab, kadib markii Madaxda Qaranka ay amreen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO