IGAD oo War saxaafadeed kasoo saartay Xaaladda Gaalkacyo

0

Ururka IGAD ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay sii wado xoojinta nabadda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo inta badan ay ka dhacaan dagaallo u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay kulan ay yeesheen laba maalmood ka dib, Urur goboleedyada IGAD ayay wacad ku mareen in ay kala shaqeyn doonaan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Maamulada Puntland iyo Galmudug sidii  xal waara looga gaaro xiisaddaha inta badan ka dhaca gobolka Mudug ee u dhaxeeyay beelaha kasoo kala jeedda Puntland iyo Galmudug.

“Gaalkacyo ayaa hadda u qaybsan laba degmo, iyada oo Galmudug ay maamulaan koonfurta, Puntland ay maamulaan waqooyiga, Magaalada waxaa ka dhaca isku dhacyo dib u dhigay horumarka Magaalada” ayuu yiri lagu yiri warka kasoo baxay IGAD.

Heshiiska xabbad-joojinta Nabadda Gaalkacyo ayaa la saxiixay bishii Janaayo , waxaana kala saxiixday  madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali iyo madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka kala  socday Galmudug iyo Puntland ka dib Iskudhacyo xooggan oo bilowday  October 2016-kii, ayna ku dhinteen in ka badan 50 qof oo rayid ah ,islamarkaana ay  ku barakaceen in ka badan 90,000 oo qof.

IGAD waxay ugu yeertay maamulada Puntland iyo Galmudug inay si daacadnimo ah u taageeraan guddiyada nabadeed si ay si buuxda uga qayb qaataan dadaallada nabadda ee  socda.

“IGAD waxay ka go’an tahay inay taageerto xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan waajibaadkeeda ah inay dhisto nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay IGAD.

Urur goboleedka IGAD Waxa ay sheegeen in xaaladda Amni ee Gaalkacyo ay tahay hadda mid wanaagsan ,islamarkaana la doonaayo in lasii waddo.