DHAGEYSO:- Dhaawacyadii loo qaaday Suudaan oo xaaladooda laga deyrinayo

0

Gudoomiyaha Gudiga gurmad qaran ee qarixii Zoobe C/laahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe ee loo qaaday wadanka Suudaan ay ka yimadeen cabashooyin fara badan.

Waxa uu sheegay dhaawacyada iyo dadkii la joogay in aysan heysanin waxyaabihii ay u balan qaaday dowladii qaaday ee Qatar.

Gudoomiye Shirwac ayaa sheegay in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha looga baahan yahay in si deg deg ah uu wax uga qabto arrintaasi.

Dowlada Qatar ayaa u qaaday dhawacyadaan wadanka Suudaan, iyadoona ay balan qaaday in ay bixineyso qarashaadka ku baxaya ilaa ay kabogsadaan dadkaasi Soomaaliyeed ee dhaawaca ah.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO