DEG DEG+SAWIRRO: Talada dalka Zimbabwe oo lala Wareegay & Madaxweynaha oo la waayay

Waaberigii hore ee saakayto ayey Milliteriga dalkaasi waxay la wareegeen Talada dalkaasi, waxayna Gaadiidka Gaashaaman ku go’doomiyeen dhamaan Xafiisyadda Dowladda, Dhismaha Barlamaanka iyo Maxkamadda Sare ee ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Harare.

War ay Milliteriga soo saareen, lagana sii daayey Telefishinka Qaranka ayey ku sheegeen inay beegsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweynaha da’da ah ee Robert Mugabe.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Madaxweynaha oo 93-jir iyo Qoyskiisa bad-qabaan

Madaxweyne Zimbabwe iyo Xaaskiisa Grace Mugabe  oo rajeynayso inay Xilka kala wareegto Ninkeeda ayaan la arkin ama la maqlin halka ay ku dambeeyeen.

Wasiirkii Maaliyadda ee dalkaasi,  Ignatius Chombo oo hoggaamiyaGarabka G40 ee Xisbiga ZANU PF ee haya Talada dalkaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanku Xabsiga dhigeen.

Sarreeye Gaas SB Moyo oo ah Taliyaha Guud ee Loojistikada oo ka hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay Ciiddanka begsanayaan Dembiilayaasha ku hareeraysan Madaxweyne Mugaabe, kuwaasi oo uu ku eedeeyey inay galayaan Dembiyo dhibaataynaya Dhaqaalaha iyo Bulshadda Zimbabwe.

Wuxuuna intaasi ku daray in Dembiilayaasha la hor geyn doono Caddaalada..

“Isla marka aan dhamayno Hawlgalkaasi, waxaan rajeynaynaa inay Xaalladu caadi noqon doonto”ayuu yiri Jeneral SB Moyo.

Dhaqdhaqaaqa Mucaaradka ee Isbedel-doonka  Zimbabwe (Movement for Democratic Change) waxay ku baaqeen in si nabad ah loo soo celiyo Dastuurka Dimuqraadiyadda, waxayna rajo ka muujiyey inay Faragelinta Milliteriga horseedi doonto Asaaska Deganaansho, Dimuqraadiyad iyo Horukaca Qaranka.

Madaxweyne Mugabe oo loogu yeero  Odayga ugu weyn Siyaasiyiinta Afrika waxa uu dalka Zimbabwe xukumay muddo 37-sanno.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Xasan says:

    Waxaan aad ula yaabay websetyada Hiiraan iyo dhammaan kuwa kale oo somaalidu akhrisato xitaa ineysan kala aqoon waddamada Saambiya iyo Simbabwe. . Taasi waa aqoon darro. Bal aan idiin sheego madaxweyne Mogaabi waa madaxweynaha Saambiya ee ma aha Simbabwe horta kala fahma inta aadaan wax soo qorin. Meesha wax kadheceen waa Saambia ee ma aha Simbabwe. Kkkkkkkk. Xitaa hiiraanonline siqaldan ayey uqortay fadlan bulshadu jaahil ma aha sidiinna oo kale




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

SAWIRRO : Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo heshay doon dheereysa oo lagu ilaalinayo socdaalka Xuduudaha badda.
- Nov 17, 2017
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta la wareegtey doon nooca dheereysa ah oo lagu ...
WARBIXIN +SAWIRRO : Mugabe oo fagaaro kasoo muuqday ‘isaga oo mayal adag’
- Nov 17, 2017
Madaxweynaha wali xilka ka raaraca ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa markii ugu horeysay kasoo ...
DHAGEYSO : Wararkii ugu danbeeyay ee Rabshadihii Ka dhacay Hargeysa & burco.
- Nov 17, 2017
Rabshado kala duwan ayaa xalay ka dhacay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo kuwaas oo ...
Qaramada Midoobay Iyo Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed
- Nov 17, 2017
Dowladda Soomaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan  dhinaca c aruurta ee UNICEF ayaa ...
Puntland oo Beesha Caalamka ka dalbatay in laga taageero dagaalka Daacish
- Nov 17, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhado” ayaa ka hadlay howlgallada ciidamada Maamulka Puntland ...