Dad shacab ahaa oo ku dhintay duqeyntii Mareykanka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle ayaa ka hadlay duqeyn dhawaan diyaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoos.

Waxaana uu tilmaamay in Deegaanka Daaru Salaam duqeyn ka dhacday 12 kii bishan ay ku dhinteen 3 Qof shacab ahaa, kuwaas ka mid ahaa dadka Beeraleyda ah ee ku dhaqan Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Cabdifataax Xaaji Cabdulle Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa hoosta ka xariiqay in inta badan duqeymaha ka dhaca Gobolkaasi ay waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Waxaana uu ugu baaqay dowladda federaalka in arrintaasi ay wax ka qabato, si looga hortago dhibaatooyinka shacabka ka soo gaara duqeymaha diyaaradeed ee ka dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii Mareykanku uu duqeyn dhanka cirka ahaa uu ka fuliyay Gobollada Shabeelaha Hosoe, Shabeelaha Dhexe iyo Jubbada Dhexe oo uu sheegay in uu ku dilay dagaalyahanno ka tirsanaa Al Shabaab.