DAAWO SAWIRRO:- Xukuumadda Soomaaliya Oo Shaacisay Magacyada Iyo Sawirrada Dadkii Loo Qabtay Qarixii Zoobe

0

Mudo bil ah kadib Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyey Shaqsiyaadka loo qabtay falkii Qaraxa ahaa ee Bishii la soo dhaafay ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho,

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdirxman Cumar cismaan Yariisow aya Barta uu ku leeyahay Facebook soo dhigay Magacyada iyo Sawirrada dadkii loo qabtay qarxiii zoobe kuwaas  oo kala ah.

 

1: Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –

  1. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) waxaa lagu sheegay in uu ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarkaas ka yimaado.

3: Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii Waday Gaarigii Noha-da, ahaa ee ku qarxay Xaafada Ceel Qalaw waana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Nohada ayaana Ciidanku qabteen.

4: Ali Yusuf Waceys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.

5: Abdullahi Abdi Warsame  Waa Darawalkii Gaariga TM ka waday ee isku qarxiyey Zoobe waxaana loo yaqaanay Maadey (Cismaan Xaaji).

Qarixii zoobe ayaa ahaa qarixii ugu weyna ee ka dhaca Soomaaliya,waxana la sheegay in ay ku waxyeeloobeen  642 ruux, dhimashadu ay gaartay  358 , 228 waa dhaawac, halka 56 qofna weli lagu la’yahay.