DAAWO SAWIRRO:- Ciidamada NISA oo Fashiliyay Raashin dhacay oo la doonayay in magaalada la soo galiyo

0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Kumanaan Loor oo raashin qurmay ah, isla markaana aan wali laga soo bixin dekada magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha uu wehliyo kusimaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa booqday goobaha lagu qarinayay raashinka dhacay oo la doonayay in magaalada la soo galiyo.

Howlgalkan sirdoonka ee guuleystay waxaa la wareegay hogaanka baarista ee HSNQ.

Ciidamada Nabad sugida ayaa dhowr jeer sidaan oo kale ugu guuleystay inay fashiliyaan raashin dhacay oo la doonayay in lasoo galiyo magaalada Muqdisho.