Al-Shabaab Oo La Sheegay Inaysan Wax Taageero Ka Helin Eritrea

0

Danjiraha Dolwadda Britain u jooga QM, Matthew Rycroft ayaa sheegay inaysan jirin wax caddaymo ah oo muujinaya inay Xarakadda Alshabaab taageero Hub ah ka helaan Dowladda Eritrea oo horey loogu eedeeyey arrintaasi.

Danjiraha oo xalay ka maqnaa Kulankii Golaha Ammaanka ee QM ugu codeeyeen muddo-kordhinta Debcinta Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia ayaa u sheegay WargeyskaInner City Press ee ka soo baxa Maraykanka in loo baahan yahay in Eritrea laga qaado Cunaqabataynta, maadaama an wax caddayn ah loo haynin inay taageeraan Alshabaab.

Wuxuuna is-weydiiyey haddii aan la haynin Caddaynta, maxaa loo kala qaadi lahaa Cunaqabataynta saaran Somalia iyo Eriteria, si Eritrea nadiif uga noqoto Xayiraadaasi.

Danjirajha UK u jooga QM waxa kale oo uu sheegay in lagu guul-daraystay in la kala qaado Labada Qaddiyadood , wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan Dowladiisa ka soo horjeedin in la kala qaado Xayiraadda Somalia iyo midda Eritrea.

“6 bilood ka hor, Golaha Ammaanka wey ku kala qeybsameen Cunaqabataynta saaran Eriteria in la qaado iyo in kale, iyadoo haatan la rajeynayo inay wax badan la samayn doono” ayuu yiri Danjiraha UK u jooga QM.

Dhinaca kale, Kulankii xalay ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu muujiyey inaysan jirin wax caddaymo ah oo muujinaya inay Alshabaab taageero ka helaan Dowladda Eritrea.