Wasiir Yuusuf Garaad oo hortagaya xubnaha Aqalka Sare

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta hortagaya xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa su’aalo weydiinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, waxaana ay wax ka weydiinayaan waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradiia.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa maalmihii dambe u yeerayay Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ay wax ka weydiinayeen Wasaaradahooda waxyaabaha u qabsoomay.

Wasiirkii ugu dambeeyay ee xubnaha Aqalka Sare ay su’aalo weydiiyaan ayaa waxa uu ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Oomaar.