WARBIXIN: Maxay qabtaan ciidamada UK ee ku sugan Soomaaliya?

0

Magaalada Muqdisho oo sanadyadii lasoo dhaafay Amnigeedu soo hagaagaayay waxaa ku sugan ciidamo badan oo kala socda dalalka Caalamka, kuwaasoo u joogga siyaabooyin kala duwan , qaarkood waa tababarayaal ,kuwo waa AMISOM iyo sidoo kale ciidamo kale oo ka socda dalalka Midowga Yurub.

Waxaan si gaar ah u eegeynaa Ciidamada ka socda dowladda UK ee ku sugan Soomaaliya iyo waxyaabaha ay Soomaaliya ka qabtaan.

Ciidamo gaaraya 85 Askari oo ka socda dowladda UK ayaa sanadyadii lasoo dhaafay siyaabooyin kala duwan u soo gaaray Soomaaliya, waxaana ciidamadaasi ay Soomaaliya ka qabteen Shaqooyin kala duwan.

Dowladda Uk ayaa waxa ay sameysay Howlgal lagu magacaabo Tangham, kasoo oo loogu tala galay in ciidamo loogu diro dalalka ay ka dagaallamaan Kooxaha Islaamiyiinta, waxaana UK ay sheegtay in ciidamada ku sugan Soomaaliya ay ka qeyb ka yihiin howlgalkaasi, Maadaama Soomaaliya ay ka dagaallaamaan Daacish iyo Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Alqaacidda.

Soomaaliya waxa ay kaga  taallaa Geeska Afrika meel muhiim ah ,waxaana dowladda Uk ay u aragtaa in xasilinteeda ay waxtar badan u leedahay Qaaradda Afrika.

Maxay ka qabtaan ciidamada UK ee ku sugan Soomaaliya?

Colonel John Wakelin taliyaha ciidamada UK ee ku sugan Soomaaliya oo ka hadlayay waxyaabaha ay qabtaan ciidamada dowladda Uk ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay tababaraan ciidamada dowladda Soomaaliya qeybahooda kala duwan sidda SNA, NISA iyo Booliska.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in la talin iyo qibrad ay ku kordhiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Koonfur iyo Bartamaha Soomaaliya.

Colonel John Wakelin  ayaa xusay in sidoo kale ay fuliyaan hawlo caafimaad, dhinaca saadka iyo inay gacan ka siiyaan AMISOM dhinacyada kale ee ammaanka.

Colonel John Wakelin ayaa yiri” inkastoo ay wali jiraan rabshaddaha ay geysanayaan Kooxaha islaamiyiinta ah , hadana dalka waxaa uu ku socdaa wadada Saxda  ah ama jihadda toosan”

“Run ahaantii waxa aan aragno waa horumar joogto ah oo dhexdhexaad ah” ayuu hadalkiisa intaasi kusii daray.

Dowladda UK ayaa sidoo kale lacago badan ku bixisa howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, waxaana UK lagu xasuustaa in dhowr jeer ay qabatay Shirar looga hadlaayo Arrimaha Soomaaliya.