WARBIXIN: Bil kaddib Qaraxii Zoobbe iyo 54 Qof oo aan Raq iyo ruux la hayn

0

Maanta oo kale 14kii October Waxaa Isgoyska Zoobbe ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax ay dad badan ku nafwaayeen,waxaana dhimashada ay gaartay ku dhawaad 400 Qof.

Sidoo kale waxaa dhaawacmay dad ku dhow 500 oo kale,dhaawacyada qaar ayaa dalka dibaddiisa loo qaaday kaddib markii la xaqiijiyay in aan gudaha dalka wax looga qaban karin.

Waddamada Turkiga,Qadar,Kenya,Jabuuti,Imaaraadka iyo kuwo kale ayaa ka qeyb qaatay gurmadka loo fidinayay dadkii waxyeellada ka soo gaartay weerarkii 14kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada qaar ayaa bogsaday waxaana dalka Turkiga laga keenayaa maalmaha soo socda 9 ka mid ah 135 Qof oo loo qaaday Turkiga kuwaas oo ay xaaladdooda caafimaad soo hagaagtay.

Dalka Suudan ayaa loo qaaday dhaawacyada qaar,waxaana daweyntooda ballan qaadday Dalka Qadar oo bixisay Diyaaradaha lagu geeyay halkaas,halka Imaaraadka uu bixiyay diyaarado iyo dawo,iyada oo dhaawacyada qaar ee Kenya loo qaaday ay damaanad qaadday Dowladda Imaaraadka.

Haddaba Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in 358 Qof ay dhinteen dad ka badan 400 kalena ay ku dhaawacmeen weerarkii Zoobbe ka dhacay 14kii Bishii hore.

Sidoo kale dowladdu waxaa ay sheegtay in 56 Qof la la’yahay oo aan la hayn Raq iyo Ruux midna,waxaana bil kaddib sidii loo la’yahay dadkaas,iyada qaar ka mid ah ehelka dadka maqan ay niyeysteen in ehelkooda geeriyoodeen.

Arrintaas waxaa Qaraabada qaar ku go’aan qaateen kaddib markii la aasay Dadka qaar oo la aqoonsan waayay islamarkaana hilbahooda la soo ururiyay.

Weerarkii 14kii October ayaa waxaa uu noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee mar kaliya ka dhaca dhulka Soomaaliyeed taariikhda inta la xusuusto.