TOP NEWS:-Ra’iisul wasaare Kheyre oo Mashruuc muhiim ah ka daah furay Muqdisho

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khere ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay Mashruuc shaqo abuur loogu sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale “Beyle” oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay kulankan ayaa sheegay in faa’iido weyn uu u yahay Mashruucan Dalka, kuna kacayo qiimo dhan 28 Million, taas oo u dhexeysa shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwa dowliga ah.

Waxaana uu ugu baaqay guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka soo qeyb galaan Mashuruucan, si ay u ballaarato fursadaha shaqo ee Dalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Xuukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo furitaanka shirkan ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in Ummadda Soomaliyeed ay Caan ku tahay shaqo abuurka, loona baahan yahay in fursadahan oo kale la ballaariyo, si looga faa’iideysto guud ahaan Dalka.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in ku dhawaad 3500 oo fursado shaqo laga hirgalinyo gudaha Soomaaliya, taas oo ay ka faa’iideysan doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday qorshe shaqo abuur loogu sameynayo dhalinyarada ay shaqa la’aanta ku heysato gudaha Dalka.