TOP NEWS:-Puntland oo howlgallo ka sameysay Buuraleyda Galgala

0

Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalllo ka dhan ah Al Shabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolkaasi Bari, si looga hortago weerarada Al Shabaab ay ka geystaan deegaanada Maamulkaasi

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in howlgalladu ay sii socon doonaan, tan iyo inta  laga saaro Al Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bari.

Muddooyinkii dambe ayaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Maamulka Puntland waxa ay howlgallo ka wadeen Buuraleyda Galgala,halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.