TOP DHAGEYSO: Wasiirka Amniga oo maanta shir ka furaya Kismaayo

0

Wasiirka Wasaarada amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ka furaya shir.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo xaqiijin lahaa amaanka guud ee dalka, sidii looga hortagi lahaa qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab iyo tayaynta ciidamada booliiska Soomaaliya.

Waxaa ka qeyb galaya Shirka Xubno wakiilo ah oo ka socda dowlad goboleedyada dalka ka jira, Xildhibaano iyo Senataro ka socda guddiyada difaaca iyo amniga ee labada golle ee Baarlamaanka.

Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur Janan oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in maanta magaalada Kismaayo shir ka furmayo.

Waxa uu sheegay in masuuliyiinta dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada dalka uu si siman waajib ugu saaran yahay xaqiijinta ammaanka guud ee dalka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO