TOP DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo sheegay inay qabteen Nin dhacay Hanti ay Lahaayeen Xildhibaano

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur ayaa sheegay in loo baahan yahay wadashaqeyn dhex martay Wasaaradaha Amniga Dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Waxa uu sheegay in taasi ay sahli karto in ay iska kaashadaan dhanka amniga iyo sidii la isugu wareejin lahaa dadka dambiyada gala.

 

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Jubbaland ay horay u qabatay Nin dhcay Hanti ay lahaayeen xildhibaano ay suurtagashay in Jubbaland ay ka soo qabato Gudaha Kenya taasina ay ku timid WadaShaqeyn.

Hadalkaan ayaa Wasiirka waxa uu ka sheegay furitaanka Shir looga hadlayo amniga kaas oo shalay ka furmay Magaalada Kismaayo.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO