Tirinta Codbixiyayaasha Doorashada Somaliland oo lasoo Gabagabeeyay

0

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay tirintii codbixinta doorashada ee shalay ka dhacday deegaanada Somaliland.

Komishanka doorashooyinku waxaa ay sheegeen in 1642 goobood oo ay ka dhacday codbixinta doorashada la dhameeyay natiijadii ay ka heleen saddexda xisbi ee ku tarmayay doorashada madaxwaynaha Somaliland.

Komishanka oo Somaliland waxaa ay warbaahinta la hadli doonaan maanta mar kale saacadu markay tahay kowda duhurnimo.

Xisbiyada ugu cadcad tirinta doorashada waxaa ay kala yihiin Kulmiye iyo Waddani kuwaasi oo gobolada qaarkood ku kala badiyay.