Somaliland oo fariin lama filaan ah uga timid Dowladda Somalia

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Maamulka Somaliland, kadib markii Degaanada Maamulkaasi lagu qabtay doorasho lagu tilmaamay mid nabdoon.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Eng, Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow ayaa waxuu sheegay in Kulan ay maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada lagu soo dhaweeyay doorashada madaxtinimo ee Maamulka Somaliland.

Wasiir Yariisoow ayaa bartiisa Twitter-ka waxuu ku yeeshay in Golaha Wasiirada ay soo dhaweynayaan doorashadii lagu qabtay Degaanada Maamulka Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale shaaciyay in si nabdoon loo qabtay ololaha doorashooyinka Maamulkaasi.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in hambalyo ay u dirayaan maamulka Somaliland, iyo cid waliba oo ka shaqeysay in si nabdoon loo qabto doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Somaliland.