RW Khayre oo la kulmay Culimo uu Sheekh Umal ka mid yahay +SAWIRO

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda iyo guddiga gurmad qaran.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalalka Kenya iyo Uganda ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibaatadii ka soo gaartay dadka Soomaaliyeed weerarkii 14-kii Octobar, isla-markaana ay garab taagan yihiin walaalahooda ay kooxaha argagixisadu dhibka u geysteen, lacagtanina ay tahay mid ay iska soo aruuriyeen Soomaalida ku nool Kenya iyo Uganda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mahadcelin kadib, ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dawladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda xanbaarsan fikirka xagjirka ah ee Al-shabaab.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa garab istaagiina, maadaama culimada diinta ay meel sare kaga jiraan bulshada waa in dadaalkooda ay ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waa in aynu u midownaa dagaalkan oo laga wada qaybgalo, waxana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda oo ah mid hoggaamineed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee Al Shabaab. Kaalinta culimaduna ay noqoneyso mid laf-dhabar u ah talada dalka iyo go’aamada la gaarayo. Wuxuuna ku baaqay in la qabto shir ay culimada Soomaaliyeed uga doodayaan fekerka qaldan ee kooxdan ay ku marin habaabineyso dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Kooxda Al Shabaab waa koox luntay oo baadi ah, kamana turjumaan micnaha, ujeedooyinka iyo sareynta diinta Islaamka, waxay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee waxba galabsan, Dawladda Soomaaliya waxa ay dadaalkeeda ugu badan ku bixinaysaa sidii kooxdaasi looga sifayn lahaa dalka.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Guddigii hawlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda ayaa ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

TOP DHAGEYSO:-Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujineysa Saldhiga Milatari Ee Imaradka Carabta Ka Furaneysa Mamulka Somaliland
- Nov 18, 2017
Warbxintani kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Burcad Badeeda soomaaliya ay soo ...
Wasiir Beyle oo ku howlan horumarinta Canshuurta +SAWIRO
- Nov 18, 2017
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beyle ayaa waxuu ka hadlay ...
TOP:-Mamulka Jubbaland Oo U Diyaar Garoobay Marti Gelinta Tartanka Ciyaaraah Gobollada Dalka
- Nov 18, 2017
Madaxweyne kuxigeenka koowaad dowlad goboleedka jubbaland  maxamud sayid aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay ...
Madaxweyne Siilaanyo oo si kulul uga hadlay khilaafka doorashada Soomaaliland
- Nov 18, 2017
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland  Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliland oo 13 ...
Guddiga doorashada Soomaaliland iyo Xisbiga Wadani oo kulan ku yeeshay hargeysa
- Nov 18, 2017
Guddiga doorashada madaxtinimada Maamulka Soomaaliland ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed ...