Qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Deegaanka Garasbaaley

0

Wararka naga soo gaarayo duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Garasbaaley ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ahaa oo lala eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMSIOM.

Qaraxan ayaa ka dhashay gaari NOAH ah, kaas oo lagu dhuftay mid ka mid ahaa Gawaarida AMISOM, xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Ilo deegaanka ah ayaa Warbaahinta in u sheegay 1 Qof oo shacab ahaa uu ku dhintay qaraxaasi, kuna dhaawacmeen tiro kale.

Waxaana ay tilmaameen in qaraxu uu ka dhacay Nawaaxiga Labaajada Weydow ee deegaankaasi Garasbaaley.

Lama oga khasaaraha ka soo gaaray AMISOM qaraxaasi, balse waxaa lagu soo warramayaa in goobta ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar ahaan ciidanka NISA, kuwaas oo baritaano ka sameeyay halkaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaana Barahooda Internetka ay ku shaaciyeen in weerar is qarxin ahaa ay la beegsadeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka ah oo ka yimid Gobolka Shabeelaha Hoose.

Balse Xarakada Al Shabaab kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, marka laga tago sheegashadooda.

Welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka Garasbaley oo ku aadan qaraxaasi.