DHAGEYSO WAREYSI : Rag Hubeysan Oo Dhac Iyo Kufsi Ka Geystay Degmada Kaxda Ee gobolka Banaadir

1

Rag hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay dhac iyo Kufsi ay ka geysteen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday Xarun Barakac oo ku taalla Degmada Kaxda, waxaana Raggani ay Kufsi u geysteen 2 ka mid ahaa Haweenka ku nool Xeradaasi, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Faaduma Aadan Ibraahim iyo Ardaay Macalin.

Mid ka mid ah Gabdhahaasi oo haatan lagu dabiibayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa Aabaheyd oo Isbitaalka kula jira waxaa uu ka warbixiyay Xaaladda Caafimaad ee Gabadhiisa, iyo sida wax u dhaceen.

Dhinaca kale Maamulka Degmada Kaxda oo an la xariirnay ayaa sheegay in ay baritaano ku hayaan dhacdadaasi.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi ayaa tilmaamay in ay ku raad joogaan Raggii ka dambeeyay falkaasi.

Comments are closed.