DHAGEYSO WAREYSI : Rag Hubeysan Oo Dhac Iyo Kufsi Ka Geystay Degmada Kaxda Ee gobolka Banaadir

Rag hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay dhac iyo Kufsi ay ka geysteen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday Xarun Barakac oo ku taalla Degmada Kaxda, waxaana Raggani ay Kufsi u geysteen 2 ka mid ahaa Haweenka ku nool Xeradaasi, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Faaduma Aadan Ibraahim iyo Ardaay Macalin.

Mid ka mid ah Gabdhahaasi oo haatan lagu dabiibayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa Aabaheyd oo Isbitaalka kula jira waxaa uu ka warbixiyay Xaaladda Caafimaad ee Gabadhiisa, iyo sida wax u dhaceen.

Dhinaca kale Maamulka Degmada Kaxda oo an la xariirnay ayaa sheegay in ay baritaano ku hayaan dhacdadaasi.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi ayaa tilmaamay in ay ku raad joogaan Raggii ka dambeeyay falkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Maxamed nur says:

    Hadal oodhan waxaa lagu soo gaba gabeynaa waan kuraad joognaa waan baareynaa meeshii laraway in gudoomiyaha iyo taliyaha saldhigaas xilkiisa uu kuweyn lahaa laakin dowlada weli waa iska daciif taasi ayaa sabab uah in shacabka laiska xasuuqo oo masuuliyiintana iska wataan hoowshoodi iyagoon cidna kabaqeynin




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Taliyaha Ciidanka Xooga Gorod Oo Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Alle Ha U Naxariistee Taliye ku Xigeenkii Ciidanka Badda Soomaaliyeed
- Jan 19, 2018
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Ehelada, Ummadda Soomaaliyeed ...
Dhageyso:-Dawlada Somalia Oo Ku Guuleysatay Maxaabiis Soomaali Ah Oo Ku Xirnaa Dalka Hindiya In La Siidaayo
- Jan 19, 2018
Golaha Wasiirada Ee Dawlada Soomaaliya Ayaa Sheegeen In Ay Dawlada Soomaaliya Ay Dhawaan DalkaDib ...
TOP NewsDhageyso:-Xukuumada Somalia Oo Sheegtay In Sanadka 2020 Laqabanaayo Doorasho Qof Iyo Cod Ah
- Jan 19, 2018
wasiirka war faafinta xukuumada soomaaliya eng c raxmaan yariisoow ayaa warbaahinta u sheegay in ...
Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo Booqosho ku Tegay Goobihii Wax barasho iyo Hoygii uu ka Degenaa Yaraantiisi Magaalada Dhuuso-Mareeb (Sawiro)
- Jan 18, 2018
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaaWaxa uu soo booqday iskuulkii uu ...
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magaalada Dhuuso-Mareeb kaga qayb galay xaflada midaynta maamulada Galmudug iyo Ahlusunna-Waljameeca (sawiro)
- Jan 18, 2018
Madaxwenaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  waxa uu magaalada Dhuuso-Mareeb kaga ...