DHAGEYSO : Shir Looga Hadlayo Amniga Oo Maanta  Ka Furmay Kismaayo

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” ayaa maanta shir looga hadlayo amniga Dalka ka furay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Wasaarada Amniga dowladda Federalka, Wasiiru Dowlayaasha Wasaaradaha Amniga Dowlad goboleedyada Dalka,Guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska, QM iyo AMISOM ayaa looga hadlayaa Arrimo ay ka mid yihiin Amniga , Tayeynta Ciidanka Booliska iyo Wada shaqeynta hay’aha amniga dowlad goboleedyada iyo kuwa qaranka.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” ayaa lagu wadaa in uu soo xiro shirkan berri, iyadoo shirkani uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo lagu qabto Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Maamulka Jubbaland.

Kulanka maanta ka furmay Magaalada Kismaayo ayaa ah kii labaad ee ay Wasiiro ka socda Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ay isugu yimaadaan, tan iyo markii madaxda dowlada federaalka iyo Maamul Goboleedyada ku heshiiyeen Magaalada Muqdisho,

Waxaana shirkan uu ku soo aadayaa, xilli dhawaan Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al Shabaab, kadib qaraxii Zoobe.