DHAGEYSO KHUDBADO : Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ugu horreyn mudanayaasha Aqalka Sare warbixin guud ka siiyay howl-qabadka Wasaaradda ee dhinacyaa horumarka iyo dadaallada ay hadda ku howlan tahay oo uu si dheelitiran u uga warbixiyey, iyadoo kaddib mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ay u gudbeen su’aallo weydiin toos aheyd oo ku socotay Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Koowaad Abshir Bukhaari.

Mudanayaasha Aqalka Sare ayaa su”aalo ay waydiiyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda xoogga ku saaray arrimaha Maxabiista weli dalka dibeddiisa ku xiran, Safaaradaha dalalka Caalamka iyo sida ay u shaqeeyaan, xiriirka Caalamiga ah, Baasaboorka Diblomaasiga iyo Arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa uga mahadceliyay mudanayaasha Aqalka sare Su’aallaha ay waydiiyeen, waxa uu tilmaamooyin ka bixiyay dhammaan su’aalihi la weydiiyey.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, ahna ku simaha guddoomiyaha Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa sheegay in kulan kale la isugu imaan doono, si loo dhammeystiro su’aallo weydiinta Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.