DHAGEYSO : Faah faahin Qarax AMISOM lagula eegtay Duleedka Muqdisho.

Wararka naga soo gaarayo duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Garasbaaley ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ahaa oo lala eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMSIOM.

Qaraxan ayaa ka dhashay gaari NOAH ah, oo uu waday ruux naftii hure ahaa, kaas oo lagu dhuftay mid ka mid ahaa Gawaarida AMISOM, xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in 1 Qof oo shacab ahaa uu ku dhintay qaraxaasi, kuna dhaawacmeen tiro kale.

Waxaana ay tilmaameen in qaraxu uu ka dhacay Nawaaxiga Labaajada Weydow ee deegaankaasi Garasbaaley.

Lama oga khasaaraha ka soo gaaray AMISOM qaraxaasi, balse waxaa lagu soo warramayaa in goobta ay tageen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar ahaan ciidanka NISA, kuwaas oo baritaano ka sameeyay halkaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaana Barahooda Internetka ay ku shaaciyeen in weerar is qarxin ahaa ay la beegsadeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka ah oo ka yimid Gobolka Shabeelaha Hoose.

Balse Xarakada Al Shabaab kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, marka laga tago sheegashadooda.

Welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka Garasbaley oo ku aadan qaraxaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

TOP DHAGEYSO:-Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujineysa Saldhiga Milatari Ee Imaradka Carabta Ka Furaneysa Mamulka Somaliland
- Nov 18, 2017
Warbxintani kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Burcad Badeeda soomaaliya ay soo ...
Wasiir Beyle oo ku howlan horumarinta Canshuurta +SAWIRO
- Nov 18, 2017
Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beyle ayaa waxuu ka hadlay ...
TOP:-Mamulka Jubbaland Oo U Diyaar Garoobay Marti Gelinta Tartanka Ciyaaraah Gobollada Dalka
- Nov 18, 2017
Madaxweyne kuxigeenka koowaad dowlad goboleedka jubbaland  maxamud sayid aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay ...
Madaxweyne Siilaanyo oo si kulul uga hadlay khilaafka doorashada Soomaaliland
- Nov 18, 2017
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland  Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliland oo 13 ...
Guddiga doorashada Soomaaliland iyo Xisbiga Wadani oo kulan ku yeeshay hargeysa
- Nov 18, 2017
Guddiga doorashada madaxtinimada Maamulka Soomaaliland ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed ...