Dhaawacyadii Turkiga loo qaaday oo maanta Muqdisho la keenayo

0

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho maanta laga sugayaa in ay soo gaarto Diyaarad ka imaaneysa Turkiga, taasi oo sida 10 ka mid ah dhaawacyadii Bishii October loo qaaday dalkaasi, kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaartay Qaraxii Zoobe.

Garoonka waxaa ku sugaya dhaawacyada maanta la keenayo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Ehelada dhaawacyada iyo xubno kale, si ay ugu muujiyaan niyad wanaaga ay u hayaan.

Dhaawacyada maanta dalka lagu soo celinayo ayaa waxa ay kala yihiin.

1.Ismaaciil Ibraahim Maxamed

2.Maxamed Ashkir Cawaale

3.C/salaam Cusmaan Saalax

4.Mahad Cabdi Sheekh

5.Maxamed Cali Wehliye

6.C/qaadir Maxamed Cabdulle

7.Istar Cali Maxamed

8.Mursal Sheekh Axmed

9.Cali Maxamuud Maxamed

10.Faaduma Xaaji Cali

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah e Soomaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo hadal kooban ku soo qoray facebookiisa ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan Dowladda Turkiga oo kaalin weyn ka qaadatay sidii gar gaar loogu fidin lahaa dhaawacyadan.

“Waxaan u mahadcelinayaa Turkiga oo dhaawacyadii darnaa ay 10 ka mid ah bogseedeen oo maanta ay ku soo laabanayaan dalkooda hooyo’. Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa si gaar ah xaflad sagootin ugu sameeyey dhaawacyada, kuwaasi oo muuqaal ahaan marka aad aragto ka muuqanaysa farxad iyo reyn reyn.