DEG DEG: Taliska NISA oo sheegay in ay fashiliyeen KHATAR WEYN +SAWIRO

0

Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ay ka hortageen khatar weyn oo la doonayay in lagu waxyeelooyo Shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook ee Taliska NISA ayaa lagu sheegay in Sirdoonka Soomaaliya uu gacanta ku dhigay caawa 08:30pm kumanaan loor oo raashiin qurmay ama dhacay oo aan wali ka soo bixin Dakadda Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Howlgalkan sirdoon oo guuleysta, waxaa la wareegay hogaanka baarista ee HSNQ.

Wasiirka Amniga gudaha, oo uu wehliyo Kusimaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Caawanimadan booqday goobta lagu qarinayay Raashiinka qurmay.

Taliska Nabad Sugida ayaa ugu dambeyn sheegay in waxii faah faahin ah ay dib kala soo socod siin doonaan Warbaahinta.