Danjiraha QM iyo MD Farmaajo oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0

Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Magaalada Muqdisho, Meachel Keating ayaa waxuu sheegay in kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Danjire Keating ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadlay arimo kala duwan oo ku saabsan Xaalada guud ee Dalka Soomaaliya.

Waxaa Mudane Keating uu carabka ku adkeeyay in sidoo kale ay ka wada hadleen amniga Caasimada Soomaaliya oo muddooyinkii dambe ay ka dhacayeen weeraro xoogan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in muhiim ay tahay in la adkeeyo amniga Muqdisho, maadaama Shacabka ay u baahan yihiin in nabad ay ugu naaloodaan Caasimada Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa ku celisay in ay ka go’an tahay taageerida Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weli dagaal xoogan kula jirta Xarakada Al Shabaab.