Daawo Muuqaalka daqiiqado ka hor Gaarigii Qaraxa fuliyay ee Isgoyska Zoobe

1

Bil ayaa ka soo wareegatay qaraxii weynaa ee ugu dhimashada badnaa taariikhda ee soo mara Soomaaliya, kaasoo 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo galaaftay nolosha dad ka badan 400 oo ruux iyo dhaawaca boqolaal kale ayaa waxaa ka dhashay burbur lixaad leh.

Muuqaal ay duubtay kaamirada Qarsoon ee loo yaqaano CCTV oo ku xirneyd agagaarka Isgoyska ayaa soo bandhigtay Gaariga xamuulka oo qaraxa fuliyay oo xowli ku socda, iyadoo wadada ay baabuur badan ku xayiran yihiin.

Gaariga xamuulka ee qaraxa fuliyay ayaa wadadii uu ku socday oo baabuur badan ku xayirnaayeen isku dayay, inuu maro wadada kale, iyadoo markaas uu dhacay qaraxii weynaa.

Muuqaalka ay duubtay Kaamirada Qarsoon ayaa waxaa laga sii daayay Telefishinka SNTV, wuxuuna ahaa ilbiriqsiyo kooban oo ah inta aanu qaraxa dhicin.

Comments are closed.